Breaking News : – Shirkii beri Khamiista Golaha Wasiirada Dawlada Federaalka oo la baajiyey khilaafad Golaha ka dhex jira awgood.

Wararka ka soo baxaaya Ilo ku dhow Xukuumada Somaaliya ayaa Warsidaha Puntlandi u xaqiijiyey in la baajiyey shirkii Khamiislaha ahaa ee beri uu sida caadiga ah isugu iman jireen Xubnaha Golaha Wasiirada Dawlada Federaalka Somaaliyeed.

Wararka soo gaaraya Puntlandi ayaa tilmaamaya in Caawa fariimo SMS ah loo diray Xubnaha Golaha, iyadoo lagu wargelinaayo in la baajiyey kulankii beri ee Khamiista.

Xeeldherayaasha u kuur gala siyaasada somaalida ayaa rumeysan in uu jiro khilaaf iyo kala aragti duwanaan aad u baahsan oo u dhaxeysa xubnaha golaha.

Isbedelo wajiyo badan oo xawli ku socda ayaa ku kordhay xaalada siyaasadeed Dalka kadib kacdoonkii ka dhashay khudbadii Madaxweynaha Dawlada Federaalku uu ka jeediyey furitaankii kal fadhigii labaad ee Barlamaanka Dawlada Federaalka Somaaliyeed.

<