Xarunta Madasha Xisbiyada oo kulan uga socdo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynayaashii hore

Kulan aan hottest loo shaacin ayaa wuxuu iminka ka socdaa Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran, kulankaasoo u dhexeeya Gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal , Kuxigeenkiisa Muudeey, Madaxweynayaashii hore Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif.

Inkastoo aan la shaacin kulankii wuxuu ku saabsan yahay hadana Warar hordhac ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen waxay sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanku uu wado Qorshe lagu kulansiinayo Madaxda Xisbiyada iyo Madaxweyne Farmaajo arintasoo ay horay uga biya diideen Madaxda Madasha Xisbiyada.

Kulankii Axadii dhex maray Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Xasan sheikh ayaa qorashahaan lagusoo bandhigay laakiin Xasan Shiekh wuxuu si cad u diiday in uu Madaxweynaha la kulmo.

Kulanka la kulan siinayo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Madasha Xisbiyada ayaa ahande looga dhigay Wadashiga Doorashada, waana tan Xasan Sheikh ka Biyo diiday, wuxuuna soo jeediyey Xasan In kulanka hadiiba Doorashada looga hadlayo ay muhiim tahay innlagasoo qayb galiyo dhamaan Saamilayda Siyaasda, inkunabel kasoo hor jeedo in koox gooni ah Luuq lala galo.

Sida muuqata hada Gudoomiyaha Baarlamaanku wuxuu wali unololaynayaa inuu kulansiiyo Madaxweynaha iyo Madaxda Madasha balse waxaa iyana Macquul ah in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay inuu la kulmo dhamaan Hogaamiyayaasha Xisbiyada oo dhan .

Gudoomiha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa kamida Shaqsiyaadka ay Villa Soomaaliya ay diidan yihiin inuu qayb ka noqdo hadiiba uu dhacayo kulan loo dhan yahay.

Puntlandi.com Muqdisho

<