Faahfaahin Kulankii Mursal iyo Madaxweynayaashii hore “ Cidna la kulmi mayso Farmaajo”

Kulankii Galabta dhexmaray Madaxweynayaashii hore Xasan Shiikh, Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Ajandihiisu ahaa sidii ay markii hore xogta ku heleen Howlwadeenada Puntlandi.com tasoo ahayd in Madaxweyne Farmaajo oo codsadey inuu si gaara ula kulmo Madaxweynayaashii hore.

Ergada ka socdey Madaxweyne Farmaajo oo ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo Kuxigeenkiisa ayaa Galabta natiijo la’aan la kulmay.

Madaxweynayaashii hore waxay markale diideen inay la kulmaan Madaxweyne Farmaajo.

Sida aan xigta ku helnay caawa fiidkii, Madaxweynayaashii hore Xasan shiikh iyo Sheikh Sheikh Shariif waxay soo istaageen oo hoosta ka xariiqeen in Arimaha Doorashada looga wada hadli karo oo qura kulan ay isugu yimaadaan Saamilayda Siyaasda Guud ahaantood, waxayna soo jeediyeen oo taageereen Baaqii Gudoomiyaha Aqalka sare ee ahaa in ay kulankaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Madaxda Dowladu si looga wada hadlo Doorashada.

Iskusoo duuboo waxaa muuqata in hada ay Xukuumada Federaalku ay gabi ahaanba ku Jaha wareersan tahay Abaabulka Qorshe mideysan oo ku aadan Doorashada la filayo inay dhacdo dabayaaqada sanadkaan.

Dhanka kalena Beesha Caalamka ayaa u muuqata inay ku Jaha wareersan yihiin qaabka wax u socdaan iyo Wakhtiga yar ee ka harsan Doorashada.

Hadalkii maanta kasoo yeeray Safaarada Maraykanka wuxuu ahaa mid ay adeegsadeen erayo Adag oo cara ka muuqato.

Hooska akhriso hadalkii Safaarada Maraykanka

Puntlandi.com Muqdisho

<