Breaking News— Madaxweynihii Burundi oo geeriyooday

Pierre Nkurunziza Madaxweynihii Dalka Burundi ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Caasimada Dalkaas kadib markuu Xanuun ka haleelay Wadnaha.

Madaxweyne Nkurunziza ayaa u geeriyooday kadib markii Wadnuhu uu istaagay, Sabtidii ayaa Isbitaalka la geeyey kadib markii ka eedsheegtay Waana Xanuun, isniintii ayaa Xanuun saa’id Ah Qabtay iyadoo markiiba daweyn lagu bilaabay balse maanta ayaa lagusoo booday oo Wadnuhi istaagay.

Madaxtooyada Dalkaas ayaa goor dhaweyd shaacisay Geerida Madaxweynaha.

Puntlandi.cim

<