Breaking News : – Gudoomiyaha Aqalka sare oo Warmurtiyeed maanta ka soo saaray xaalada kala guurka ee dalku ku sugan yahay

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudabe Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta soo saaray war murtiyeed ka soo baxay kulan deg deg ahaa oo ay maanta isgu yimadeen Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka, kaas oo daba socday shirkii ay shalay wadayesheen Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Hogaamiyayaasha Madasha Midowga Xisbiyada siyaasadeed ee Dalka.

War Murtiyeedkaas ka soo baxay kulankui maanta Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in Goluhu sare Xaq dastuuri ah u leeyahay isu soo jiidista iyo dhexdhexaadinta Madaxda Federaal Somaaliyeed iyo Madaxda dowlad goboleedyo Dalka wakhtigan cakiran ee dalku ku jiro, sidii si wadajir ah loogu heshiin lahaa dariiqii loo mari lahaa qabashada doorashooyin laysla wada ogol yahay ama heshiis buuxda ku wada yihiin saamileyda siyaasadeed ee Dalku.

Gudoomiyaha Aqalka sare iyo xubnaha gudiga joogta ah ee golaha ayaa carabka ku adkeeyey in ay lama huraan tahay in shir deg deg ah oo wadatashi ay isgu yimadaan Saamileyda siyaasadeed ee dalku inta ka horeysay 25.06.2020.

Halkan ka akhriso Warmurtiyeedka Aqalka sare :

<