Gudoomiyaha Baarlamaanka PL oo Qardho kula kulmay Boqor Burhaan

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirshiid Yusuf Jabril ayaa Magaalada Qardho wuxuu kula kulmay Boqor Burhaan, kulanka oo ahaa booqasho uu Gudoomiyuhu ugu tagay Boqorka.

Gudoomiyaha ayaa Boqorka uga Xog waramay Xaalada Dalka iyo meesha uu marayo Gurmadkii Qardho isagoo Boqorku uu Xukuumada uga mahad celiyey Dadaalkii loo galay u Gurmadka Bulshada Qardho.

<