Gudoomiyaha Baarlamaanka oo gurigiisa ku casumay Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo Labadii Madaxweyne ee hore Xasan sheikh iyo Shariif Shiikh Axmed ayaa kulan uga socdaa Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa sida la sheegay waxaa looga wada hadlayaa Xaalada Siyaasadeed ee Dalka gaar ahaan Xaaladiisa ugu dambeeyay iyo buuqii shalay ka dhacay Baarlamaanka.

Warar aan ka helayno Dad aad ugu dhow kulanka waxay noo xaqiijiyeen in Labada Madaxweyne hore ay saluugsan yihiin qaabka Baarlamaanku uu xiligaan u shaqaynayo iyo Xiriirka ka dhexeeya Xukuumada iyo Baarlamaanka, xili la isu diyaarinayo Doorashada Dalka.

Wixii kasoo baxa kulanka kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com

Muqdisho

<