Puntland Parliamant : BEENIN WARAR BEEN ABUUR AH OO LAGU FAAFIYEY BARAHA BULSHADA

Xafiiska Warfaafinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland waxaa uu beeninayaa warar been-abuur ah oo xaqiiqada ka fog oo lagu qoray Pageka Puntland Page oo ay qoreen shaqsiyaad caadeystay isku dirka Bulshada Puntland kuwaas oo kala ah; Maxamuud Maxamed Boocame oo jooga London iyo Abshir Maxamed Cabaas oo jooga Zambia.

Waxaanu halkan Ummada reer Puntland ugu cadaynaynaa in wararkaasi yihiin been-abuur aan sal iyo raad toona laheyn ayna faafiyeen shaqsiyaad ay caado u noqotay faafinta xumaantan, una adeegaya cadowga Puntland si madaxda & shacabka Puntland ay ugu geystaan Sumacad-dil.

Sidoo kale, waxaanu mar labaad cadaynayanaa in aysan jirin xiriir ka dhexeyn kara kamaqnaanshiyaha hawada Pagekii (OVP Puntland) ee Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Xafiiska Warfaafinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, maadama Madaxtooyada Dawladda Puntland ay leedahay Xafiis Warfaafineed oo u gaar ah.

Ugu dambayntii waxaan Bulshada Reer Puntland u xaqiiijinaynaa in aysan wararkaasi waxba ka jirin. Cida been abuurkaasi faafisayna ay waajihi doonaan sharciga.

Allaa Mahad Leh

Cabdiwali Gooni,
Agaasimaha Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

<