Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadalay 8 Dhalinyaro ah oo la sheegay in Ciidamada Dawladu ku dileen degaanka Galooley ee Degmada Balcad

Hon. Mahad Salad

Meydadkan idiin muuqda waa Dhalinyaradii Ciidamada Dowlada Soomaaliya ku xasuuqeen Deegaanka Gololey ee hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhaxe. Dhacdadaan foosha xun ilaa hada madaxda dowlada Soomaaliya kama hadlin, dhacdooyin ka yar yar ayayna la qaylo dhaamin jireen, marka adigu iska garo, waa tusaale ku filan in aad fahamto heerka uu gaarsiisan yahay naceybka laguu qabo❗️

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto”. Waxaan idiin sheegayaa hadii aan laga dhiidhiyin dhacdadaan foosha xun, gacan ku dhiigleyaashiina la soo qaban, laguna qasqaasin isla deegaankii ay xasuuqa ka gaysteen, caawa halla iga qoro “berri waxaad arki doontaan kuwa aan haybtooda la aqoon iyo calooshood u shaqaysteyaal la idiin soo kiraystay oo darsin-darsin dariiqyada idinkugu laynaya”❗️

Ciidanka dowladda soomaliya ayaa af-duubtay 9 qof oo ka shaqeeynaayay xarun caafimaad ka dibna inteey gowraceen ayeey meedkooda banaanka soo dhigeen
Magacyadda dadkii la xasuuuqay ayaa kalanah

  1. Omar Huti mohamoud
  2. Abdiasis Abdikadir Abdulle
  3. Ali Axmed Ali
  4. C/risaq c/laahi Qooble
  5. Mohamed Omar Boore
  6. Abukar Muuse Maaxi
  7. Yuusuf Ayuub
  8. Nuur Xaaji

Uur ku taalo aan hareynin

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<