Qatar oo dhabarka u jeedisay Dowlada Federaalka, Itoobiyana ka dejisay 10 tan oo Qalab iyo Daawo ah

Dagaalkii Khaliijka Soomaaliya Way kukala qaybsameen, qayb waxay raacday Dalka Qatar halka Soomaaliland, Puntland iyo Jubbaland ay si toosa u taageereen Garabkii Sacuudiga iyo Emaraatka iyagoo xeerinaya Xiriirkii dheeraa ee Soomaaliya la leedahay labadaan Dal.

Dowlada Federaalka oo eeganayday dano gaara oo ay ku heysteen Qatar waxay Garab istaageen Qatar iyagoo raaciyey Xiriirkii ay u jareen Dowlada Emaaraatka.

Xiliyada Adag ee Sooomaaliya soo wajahday Dalka kaliya ee Gurmadka Soomaaliya Sadexdaan Dal waa Dowlada Emaraatka, matalan Markuu soo wajahay Cudurka Corona Aduunka uuna soo gaaray Soomaaliya Dalkii ugu horeeyey ee udoo gurmatay waa Emaraatka Carabta halka Dalka Qatar aan ilaa hada wax Buuq ah laga heyn.

Todobaadkaan bilowgiisii Qatar waxay Itoobiya ka dajiyeen 100 tan oo Qalab iyo Daawo ah si ay Itoobiya uga caawiyaan Ladagaalanka Corona Virus,

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen ilo Dublamaasiyadeed waxay noo xaqiijiyeen in Dowlada Federaalku ay kaalmo waydiisatay Qatar ilaa hadana wax jawaab ah Lama siin.

Waxaana xaqiiq ah in Qatar ay Soomaaliya dhabarka u jeedisay,

Puntlandi.com

<