Breaking News— Xildhibaano u ololaynaya Khilaafka Madaxda Sare ee Puntland in lagu xaliyo Hoolka Baarlamaanka

Xildhibaano u badan kuwa kasoo jeedaGobolada Sool iyo Ceyn ayaa Garowe waxay maanta ka bilaabeen olole ay ku doonayaan in khilaafka Madaxda sare ee Puntland ay iyagu soo fara galiyaan.

Warar rasmi ah oo Puntlandi.con ay hayaan ayaa ah in Koox Xildhibaano ah ay wadaan olole ka dhan ah Madaxweyne Xigeenka Puntland Mudane Axmed Cusmaan Karash.

Waa markii u horaysay oo Kiis noocaan ah uu faraha lagalo Baarlamaanka Puntland, Xildhibaanada u ololaynaya in Kiiskaan baarlamaanka la keeno ayaa waxay hada diyaarinayaan Qoraal ay u gudbinayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirshiid Yusuf Jabril.

Macada Sharciga loo adeegsanayo Qoraalkaan iyo qaabka loo waafajinayo Dastuurka, Qodobka 82aad oo u qoran sidaan hoose.

Qodobka 82aad
EEDAYNTA MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA

  1. Haddii Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-Xigeenka lagu eedeeyo xilgudasho la’aan culus, ku-xadgudub Dastuur, khiyaamo qaran waxaa la marayaa habraaca soo socda:
    (b) Ugu yaraan kala baroo bar (1/2) xubnaha Golaha Wakiillada ama Xeer Ilaaliyaha Guud waa inay bilaabaan habraaca eedeynta Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-Xigeenka, iyagoo Golaha Wakiillada ka codsanaya xil-ka-qaadistooda, isla markaana u gudbinaya caddeymaha eedeyntooda.
    (t) Golaha Wakiilladu wuxuu ka baaraandegayaa eedeymaha la soo hordhigay, waxaana eedeysanaha la siinayaa fursad isdifaac.
    (j) Goluhu wuxuu u codeynayaa, isla markaana ogolaanayaa oo kaliya marka ay saddex meelood laba (2/3) ay si qarsoodi ugu codeyso xil-ka-qaadistooda.

Puntlandi.com Garowe

<