Jaaliyada Ottawa ee Canada oo Qardho u dirtay 12,000 USD

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Caasimada Canada Ottawa ayaa dhaqaale lagu taageerayo Bulshada Magaalada Qardho ee Daadadku waxyeeleen.

Jaaliayada ayaa dhaqaalahaan arurisay tan iyo bilowgii bishaan balse waxay Æacagtu u xayirnayd iyadoo la waayay meel la mariyo Xanuunka Corona. Virus awgeed.

Xawaaladaha Amal ee Magaalada Ottawa ayaa hada fududaysay in lacagta la gaarsiiyo Qardho iyagoon wax Khidmad ah ka qaadan, waxaasidaas noo noosheegay Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ottawa Cabdirsaaq Cali Karood.

Lacagta ay Jaaliyada dirtay waxay gaaraysa 12,000 USD.

Dhamaan Xasanaad Illaahay hala siiyo intii lacagtaas ku deeqday, Aaamiin Aaaamiin

Puntlandi.com

<