Ma la dilay mise afkaa la qabtay

Illaahay Janadii haka waraabiyee Ahmed Muuse Nuur-Yare Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee ay Argagixisadu khaarijiyeen, Siyaasada kasokow wuxuu ahaa Macalin wacdiya Bulshada gaar ahaan Dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa uu Masuulka u ahaa ee Reer Puntland.

Bishii lasoo dhaafay ilaa maalintii uu geeriyooday wuxuu waday olole uu ku wacyi galinayaa Dhalinyarada loo adeegsado qaab qabiil iyo qaab Diimeedka.

Wuxuu aad ugasoo horjeeday in Dhalinyarada Soomaaliyeed loo adeegsado inay islaayaan ama ay Bulshada waxyeelaan.

Wuxuu si toosa u carabaabi jiray Dhalinyarada loo adeegsado falalka Argagixisada, isagoo dhowr jeer sheegay in Ladagaalanka Al-Shabaab uu San xal u ahayn Dhalinyaro lasoo Xirxirayo ee Xalka rasmiga ah uu yahay in laburburiyo Goobaha ay ku dhuuntaan kuwa Dhalinyarada soo dira oo hubka usoo dhiiba, in Goobohooda loogu tago kuwa Maskaxda ka badala Dhalinyarada, iyo kuwa inaku dhex jira ee loo adeegsado ruufyaanimada.

Ilaahay ha u raxmee Marxuumku Wuxuu ahaa Nin meel Fog waxka arka isla markaasna wuxuu abaaray Xalka kaliya ee looga adkaan karo Al-Shabaab.

Wuxuu aad ugasoo hor jeeday howlgalada lagusoo xiriiro dhalinyatada wuxuuna taas badalkeeda aaminsanaa in lasoo qabto kuwo soo dira Dhalinyarada Iyo kuwa hoyga siiya ee inaaa midka ah, waxaa hadaladiisii kamid ahaa…

“Dhalinyarada isqarxisa iyo kuwa Xabsiga ku jira dhamaan mayaan, maalin walba mid cusub baa la soo dirayaa, waxaa xal ah in aan gaarno meesha laga soo dirayo oo Qaraxyada looga soo dhiibay”

Dilka Gudoomiyihii Gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Wuxuu ahaa mid lagu aamusinayay.

Al-Shabaab ma ay jecla Qofka saas ula hadla Bulshada, wuxuu cabsi galiyey kuwa Dhalinyarada Qaraxa usoo dhiiba iyo kuwa Ho’ga siiya , Waana sababta loo dilay.

Malagayaabaa in Puntland laga helo kuwo u aarguda Axmed Muuse iyo Marxuumiintii ka horaysay ee Cadowgu dileen oo uu isna u dambeeyay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaam Gujir. Ilaahay labada Jano fardowsa ha geeye.

Puntlandi.com

<