Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee Qaraxa lagu dilay oo Aabihiis Muuse Nuur uu maanta Geeriyooday

Waxaa saaka Geeriyooday Alla ha u naxariistee Muuse Nuur-Yare Kamas oo ahaa Aabaha Gudoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse oo Al-Shabaab ay Qaraxa ku dileen Axadii.

Geerida ku timid Gudoomiyihii Gobolka Mudug Aabihiis ayaa saameyn wayn ku yeelatay Bulshada Gobolka Mudug, xili maalmo ka hor Magaalada lagu dilay Wiilashiisa oo kala ahaa Gudoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse, Curadjii Reerka Maxamed Muuse Nuur iyo wiil ay ideer u ahaayeen , Muusane Awoowe u ahaa,Sadexdaan Waxay ku geeriyoodeen Qarixii Axada ay Al-Shabaab la beegsadeen Axadii.

Sadex Sano ka hor isla weerar Qaraxa ayaa waxaa lagu dilay wiil uu Awoowe u ahaa Muuse Nuur Yare,

Geeridaan ku timid Gudoomiyahii Gobolka Mudug Aabihiis waxay kaloo sameysay oo tababatay Guud ahaan Bulshada Puntland.

Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyo Dhamaantood.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<