Gaalkacyo Dad loo xiray iney la shaqaynayeen Al-Shabaab

Ciidamada Amaanka Gobolka Mudug oo Labadii todobaad ee lasoo dhaafay howlgal ka waydey Magaalada Gaalkacyo ayaa soo qabqabtay ku dhowaad 30 Qof oo looga shakisan yahay iney xiriiryo kala duwan la leeyihiin Al-shabaab.

Dadka xiran waxaa kamida Sargaal Ciidamada ka tirsan iyo Ganacsato, waa sida ay xigta ku hayaan Puntlandi.com.

Ugu yaraan Labaataneeye Dhalinyaro u badan ayaa iyana Xabsiga la dhigay kuwasoo qaarkood lagu qabtay iyagoo faraha kula jira Waxyaabaha Qarax iyo Hub ay haysteen.

Wararka aan ka helayno laamaha Amaanka waxay kaloo sheegayaan in ay Ciidanku heleen Goobo lagu farsameeyo Waxyaabaha Qarax iyo Sadex Gaari.

Howlgal Shalay ay Ciidanku sameeyeen waxaa lagusoo xiray Sadex Qof oo laga shakisan yahay.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<