Breaking News— Banaanka hore ee Guriga Taliye Xigeenka Booliska Bosaso oo lagu qabtay Gaari Al-Shabaab wateen

Kooxo hubaysan ayaa caawa Makhribkii isku dayay inay miino ku aasaan Meel aan k fogayn Guriga Taliye Xigeenka Booliska Bosaso CabdiKaafi Maxamed Qaal balse waxaa fashiliyay Ciidamada Amaanka.

Warar hordhac ah oo aan hada helnay waxay sheegayaan in Rasaas la isku furay kadibna ay Ciidanku gacanta ku dhigeen Gaari ay Maleeshiyadu wadatay.

Faahfaahin intaas dheer wali lagama bixin aan ka ahayn in Gaarigaas la qabtay, warar waxaa jira sheegaya in Gacanta lagu dhigay qaar kamida Maleeshiyada.

Ilaalada Taliye Xigeenka oo weeararka fashiliyay wax khasaare ah sooma gaarin.

Puntlandi.com Bosaso

<