Faalada maanta.. Xaalada Gaalkacyo kadib Weerarkii lagu Dilay Gudoomiye Axmed Muuse iyo Walaalkii

Mudo Bil ku dhow Waxaa Gaalkacyo ku sugnaa Ciidan Dheeraada oo ay Dowladu Keentay Magaalada, kadib markii kooxo Burcad ah ay Magaalada ka dilaaceen iyo Bulshada Gaalkacyo oo u hogaansami wayday Bandowgii La saaray Magaalooyinka Puntland.

Maanta waxay Al-Shabaab Gaalkacyo ku dileen Gudoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur, waxaa la dhintay Walaalkiis oo gaariga la saaraa,Qof Dumr ah oo gaariga ka agdhowaa iyo sadex Askari oo ilaaladiisa ah.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowlada Puntland Maxamed Dhabancad ayaa mudo Sadex todobaad laga joogo wuxuu Magaalada Keenay Ciidan ku dhow Laba boqol si ay wax uga qabtaan labadaas qodob ee aan kor kusoo xudnay, Run ahaantiina wax weyn ayay ka qabteen.

Ciidanku waxay Saldhigyo ka sameysteen Dhowr meelood oo Magaalada Gudeheeda ah, Waxayna Magaalada ka bilaabeen Howlgalo lagu guulaystay, Burcadii Way ka sifeeyeen Magaalada , Bandowgiinavsi rasmi ah ayuu u hirgalay.

Qarixii Maanta ka dhacay Magaalada wuxuu muujinayaa in Kooxa Argagixisaduvay ka faa’iideysanayaan Xaaladaha ka jira Magaalada wuxuuna u muuqdaa mid lagusoo Maleegay meel Gaalkacyo ka baxsan laakiin waxaa jira oo xaqiiq ah Dadka soo hagayay oo Gaalkacyo ku sugnaa.

Waxaa meesha kamaqan kaalintii Xog Ururinta iyo la socodka Dadka u Adeega Cadowga kuwasoo isugu jira Dad soo galiyo ah iyo kuwo Reer Puntland ah oo lagu adeegto, Puntland waxay lahayn jirtay Sirdoonka ugu Adag Soomaaliya laakiin Shantii Sano ee lasoo dhaafay ayuu burburay Awoodii Ciidanka Sirdoonka Puntland.

Bosaso iyo Gaalkacyo waxay ahaayeen Xarunaha augu Awooda badnaayeen Ciidamadii Sirdoonka Puntland ee la oran jiray PIS-ta.

Ciidamadaan waxay ka howlgali jireen Gudaha Iyo Dibada Puntland, Hadaan tayadii Ciidankaas lasoo Celin waxba tari mayaan Ciidan Malatari ah iyo Bileys Magaalada lagusoo daadiyo.

Puntlandi.com Garowe

<