Faahfaahin Qarixii lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Mudug

Illaahay ha u naxariistee Waxaa Qarax lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur.

Gaariga Gudoomiyaha Ayaa lagu Qarxiyey Bahaaj uu Qarax ka buuxo isla goobta ayuuna ku geeriyooday Gudoomiyahu, Askar ilaaladiisa ah ayaa iyana ku geeriyooday Qaraxa.

Gudoomiyaha ayaa bishii hore wuxuu Cambaareeyey Al-Shabaab oo uu sheegay iney ka dambeeyaan Dagaal Beeleed hada ka dhaca Dalka iyagoo Adeegsada Weeraro laga dhigayo in beeluhu is weerareen,

Gudoomihii wuxuu kaloo bilihii lasoo dhaafay uu dhowr jeer afka uga weeraray kooxda xagjirka ah isagoo sheegey in la isu kaashadaan si looga adkaado.

Weerarka maanta lagu dilay Gudoomiyaha ayaa u muuqda falalka Al-Shabaab Adeegsadaan.

Puntlandi.com

Gaalkacyo

<