Dhismihii Maamul laga feerdhisi lahaa Jubbaland oo Gedo ku fashilmay

Koox uu Madaxweyne Farmaajo gadaal kasoo riixay ayaa waayadaan waxay ku Mashquul sanaayeen in Gobolka Gedo laga Dhiso Maamul kasoo horjeedaa kan Madaxweyne Axmed Madoobe oo Kismaayo Xarunta u tahay.

Qorshahaan uu Madaxweyne Farmaajo waday ayaa hada u muuqda Mid socon waayay, kadib markii ay Siyaasiyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo ay dib u furashada sameeyeen.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Xiriirka Dibada Jubbaland Aadann Aw-Xirsi oo bishii Janaayo iscasilay ayaa kamid ah Siyaasiyiinta u ololeybaysay Dhismaha Maanulka Cusub, Waxaana isaga loo balan qaadey inuu Nadaxweyne ka noqonayo Maamulka.

Qorshuhu wuxuu ahaa in Jubbaland cusub looga dhawaaqo Gobolka Gedo, inta Dhismaha Maamulku uu socdaan wuxuu Madaxweybe Farmaajo balan qaadey inuu isagoo kaashanaya Itoobiya uu qaban doono Gobolka Buu’aake.

Qabashada Buu’aale iyo Dhismaha Maamulka cusub oo ahaa Qorshe lagasoo dhisay Villa Soomaaliya wuxuu yimid kadib markii Axmed Madoobe loogu gali waayay Kismaayo.

Laakiin xogta ay hada heleen Howlwadeenada Puntlandi.com waxay sheegaysaa in Qorshihii Maamulka cusub uu burburay, kadib markii ay Siyaasiyiinta kasoo jeeday Gobolka Gedo ay dareemeen in Dhismaha Maamulka cusub ay hor boodayaan Siyaasiyiin aan kasoo jeedin Gobolka Gedo, balse uu Madaxweyne Farmaajo soo xushay Diyaasiyiin isaga ay isku dhowyihiin Deegaan ahaan.

Raga Qorshahaan ka hor yimid waxaa kamid ah Madaxweyne Xigeenkii hore ee Jubbaland Cabdullaahi Ismaaciil Farataag hadana , Waana sababtui Diyaarada Kismaayo ku socota looga reebay Todobaadkii hor.

Xogtaan waxaa Puntlandi.com la wadaagay Dad aad Xog ogaal ugu ah Xaalada Gobolka, Sidaas awgeed Magacyadooda inaanaan daabicin Ayaan door bidnay.waana uga mahadcelinaynaa xogta ay nalanwadaageen

Puntlandi.com Kismaayo

<