Heshiiskii dhowaan Gaalkacyo lagu saxiixay oo durba mira dhalau

Puntland iyo Galmudug waxay laba todobaad ka hor wada gaareen heshiis ku aadan amaanka xuduuda labada dhinac, heshiiskaasoo ay u muhiim sanayd in labada dhinac ay kawada shaqeeyaan amaanka,

Waxaa heshiiska kamid ahaa in Ciidamada amaanka labada dhinac ay iska kaashadaan dambilayaasha dambiga gale ee labada dhinac u kala fakada in lasoo qabtoo oo loo gudbiyo meeshay dambiga kasoo galeen.

Booliska Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta gacanta kusoo dhigay gaari ay Maleeshiyo kasoo jeeda Galmudug ay kalsoo goosteen isla Koonfurta Nudug.

Booliska Gaalkacyo oo gacanta kusoo dhigay Maleeshiyadii iyo Gaarigaba, ayaa galabta waxay ku wareejiyeen Booliska Galmudug.

Talabaadan ayaa ah mid waxweyn ka badalaysa habdhaqamadii hore iyo amaanka Magaalada Gaalkacyo.

Puntlandi.com Gaalkacyo

<