Ergaysga Gaarka ah ee QM oo Golaha Amaanka u gudbinaya warbixin ku saabsan Doorashada Soomaaliya

Xubnaha ugu sareeya Dowlada Federaalka iyo la taliyaashoodu waxay Qorshaynayaan in Doorashada Soomaaliya ay dib u dhacdo, inkastoo gudoomiyaha Baarlæamaanku uu hoosta ka xariiqay in doorashadu Wakhtigeeda ay ku dhacayso.

Beesha Caalamka oo si dadban qayb uga ah Saamilayda Siyaasadeed ee Soomaaliya, Ahna Saamilayda ugu xoogan go`aan ka qaadashada Doorashada ayaa iyana dhankooda waxay hoosta ka xariiqeen in aysan sinaba dib ugu dhacayn Doorashadu.

Maamul Goboleedyada qaarkood ayaa iyana si cod dheer ah waxay ku sheegeen in aan doorashada soomaaliya 2020 aan hal maalin wakhtigeda dib loo dhigayn.

Hadaba Ergayga Gaarka Ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Ambasador James Swan ayaa maalmaha Soo socda wuxuu Hilaha Amaanka u gudbinayaa Warbixin dhameystiran oo ku saabsan Doorashada Soomaaliya.

Warbixintaan Ergayga Gaarka wuxuu kasoo Xog ururiyay Saamilayda Siyaasada Soomaaliya, waxayna muujinaysaa Doorashadu Wakhtiga ay dhacayso iyo sida ay Doonayaan Saamilayda Siyaada in ay Doorashadu u dhacdo.

Wararka la helayo waxay sheegayaan in Warbixintaan uu James Swan u gudbin doono Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay aad ugasoo hor jeedo Qorshaha Ay Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Kheyre ay doonayaan in Doorashadu u dhacdo.

Puntlandi.com Garowe

<