Beesha Caalamka oo si hoose u baaraysa lacago Deeq ahaa oo Dowlada Federaalka loogu dhiibay Maamul goboleedyada qaarkood.

Waxaa maalmihii u dambeeyey soo shaac baxayay inuu jiro khilaaf ku aadan wada shaqaynta ka dhaxaysa Madaxda ugu sareeyay Dowlada Federaalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka qaarkood, khilaafkaan oo ku saabsanaa iyadoo la isku fahmi waayay qaabka loo wada shaqaynayo.

iyadoo´khilaafkaas uu in mudo ah soo jiitamayay ayaa Wakiilada Beesha Caalamku waxay hada bilaabeen inay kaar kale Ciyaaraan, kasoo ah isla xisaabtan ´.

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen waxay sheegayaan in xubno ka tirsan Beeesha Caalamku ay ku eedeeyeen Xukuumada Federaalka Soomaaliya in ay lacago laaluusha ay siiyeen qaar kamid ah Dublamaasiyiinta Shisheeye ee ka howlgala Nuqdisho, si dowlada Federaalka ay uga Caawiyaan Sare u qaadida Awooda Dublamaasiyadaeed iyo Saameynta Shirkado ay Masuuliyiinta Soomaaliya ay ku Maalgashadaan Lacagaha la isdaba marinayo.

Waxay kaloo Villa Soomaaliya lagu eedeynayaa In la musuqmaasuqay Malaayiin Dollar oo loogu deeqay Maamul Goboleedyada iyo Lacago Kaash ahaa oo ay bixiyeen Qatar iyo Turkigu .

Nin Dublamaasi Ah oo Midowga Yurub u Shaqaynayay 2018 ilaa dhamaadkii 2019 ayaa Dadka la tuhun San yahay kamida, waxaana Ninkaan Laaluush ahaan loo siiyey Aduun gaaraya Nus Malyan Dollar, lacagtaasoo loo mariyey Dalka Itoobiya,

Sadex Sargaal oo Itoobiyaan ah oo Mid uu ka shaqeeyo Abay Bank oo Xaruntiisu tahay Adis Ababa. Ayaa kamida raga Ay Villa Soomaaliya u adeegsato bixinaa Lacagaha Laaluushka ah ee lasiinayo Dublamaasiyiinta Ajnabiga ah .

Waxaa kaloo la sheegay in Masuuliyiinta Dalka ugu sareysa ay Saami ku leeyihiin Shirkado cusub oo Kontrakt laga siinayo Soomaaliya ama horay looga siiyey, Shirkadahaas qaarkood Laba Sano ka hor ayaa la sameeyey waxayna ka Diiwaan gashan yihiin Dalka dibadiisa.

Wararku waxay kaloo sheegayaan In qaab cusub oo Lacagaha la isu dabamariyo uu ka jiro Muqdisho kasoo ay ku lug leeyihiin Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Dowlada Federaalka ah,Madaxweyne Farmaajo, Raysal Wasaare Kheyre, Madaxweynaha Hirshabeele Mudane Waare, Iyo 9 Wasiir oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyada iyo Kan Kheyraadka ayaa kamida raga la tuhun San yahay.

Puntlandi.com Nairobi

<