Jubbaland oo adkeysay Amarada looga hortagayo Corona Vurus

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland oo kulamo la qaatay Qaybaha kala diæuwan ee Bulshada ayaa sheegay in Reer Jubbaland ay isu diyaariyaan waqtiiga Adag ee uu keenay Corona Virus.

Madaxweynuhu wuxuu Bulshada u sheegay in Reer Jubbaland looga baahan yahay iney iska caawiyaan ka hortaga Corona Virus, Waxaana Bulshada laga sugayaa hal arin oo Qura.

Hadaad rabitaan inaan ka guulaysano Cudurkaan waa inaan gacmaha isqabsanaa oo loo hogaansamaadaa Amaawiirta ay soo saaraan Xukuumada iyo Qubarada Caafimaadka.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay Dhamaan Masjidyada Laxirayo, iyo Goobaha la isugu yimnado.

Amarkaan uu Madaxweynuhu ku xiray Goobaha lagu Cibasdeysto ayaa soo baxay kadib wadatashi uu la sameeyey Culumada Jubbaland.

Puntlandi.com Kismaayo

<