Ciidamada Ladagaalanka Argagixisada oo howlgal ka bilaabay Galgala

Galabta waxaa Dagaal waji waji ah uu ka dhacay Buuralayda Galgala, kadib markii ay halkaas howlgal ka bilaabeen Ciidamada Puntland.

Wararka aan halkaas ka helayno waxay sheegayaan in Ciidamada ay weerareen deegaan looga shakisanaa in Argagixisada uu daldhig u yahay.

Howlgalkaan wuxuu la xiriira howlgaladii Bosaso ka bilowday todobaadkii hore, Ciidamada iyagoo kaashanaya xogo ay ka heleen baaritaanadii Bosaso ayay maanta weerareen Xarun ay bartilmaamadeysteen.

Wasaarada Ambiga Puntland wali kama aysan hadal Howlgaladii Bosaso iyo Dagaalka Galabta ka dhacay Duleedka Galgala.

Puntlandi.com Bosaso

<