Bahalka Jilbis(Gungume) oo laba Caruura ku dilay Xingalool

Bahalka loo yaqaan Gungume(Jilbis) oo badanaa laga helo Miyiga ayaa laba caruura ku qaniiney Miyiga Xingalool ee Gobolka Hayland, Caruurtaasoo isla goobtii ku geeriyootay.

Caruurta oo Walaalo ahaa ayaa da’doodu ahayd 7 sano jir iyo 5 jir, Wuxuuna bahalku cunay goor habeynbar ah oo la Hirsi.

Falkaan naxdinta badan waxaa markiiba u gurmadey Dadkii Dariska iyo Maamulka Xingalool oo Qoyska u tacsiyeeyey kana caawiyey Aaska Caruurta.

Wasaaradaha Caafimaadka Iyo Wasaarada Deegaanka sPuntland wali kama warbixin qaabka Bulshadu uga hortagi lahayd Xayawaanka noocaan ag sida looga ilaalin lahaa Bulshada ama loogu wacyi galin lahaa.

Gungume waa bahal Halaq ah ama Jilbis loo yaqaan oo Sun badan leh, Dadka wuu qaniinaa kadibna Sunna ayuu ku shubaa sida irbada oo kale ayuu ugu diraa.

Sawirkaan waa aaskii Caruurta

<