Muran cusub oo ka dhex Aloosan Jubbaland iyo Villa Soomaaliya

Dowlada Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqdey iney Dagaal lagalayso Dowlada Federaalka oo ay ku eedeeyeen iney usoo tafa xayteen burburinta Jubbaland .

Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden ayaa sheegay in Hay’ada Sirdoonka ee Dowlada Federaalka loo adeegsanayo in qas laga abuuro Gobolka Gedo, wuxuuna tilmaamay in La afduubay Gudoomiyihii Degmada Garbahaarrey Iimaan Caddow Kaarshe , Afduubkasoo loo adeegsadey Koox ku magacaaban iney yihiin NISA.

Madaxweyna Xigeenkii hore ee Jubbaland Cabdullaahi Ismaaciil Farataag ayaa isna Shalay Shaaciyey in Dadka Falalkasn ka wada Gobolka Gedo aysan ahayn Dad u dhashay Gobolka, wuxuu isna ku hanjabay in dulqaadkii dhamaadey.

Afduubka loo geystay Gudoomiye Kaarshe wuxuu sare usii qaadayaa Xiisada Gobolka Gedo.

Puntlandi.com Kismaayo

<