Dowlada Qatar oo lagu eedeeyey iney taageerto Al-shabaab

Ma aan markii u horaysay ee Dowlada Qatar iyo Al-Shabaab la sheegey in Xiriir fiican uu ka dhexeeya, Wadamada Reer Galbeedka, Saciidiga iyo Emaaraatka ayaa horey u cadeeyey in Qatar ay taageerto Argagixisada Soomaaliya ka jirta.

Soo Deyntii ay Al-Shabaab soo daayeen Haweeneyda Talyaaniga ah Silvia Roman ayaa la sheegey in Amarka lagusoo daayay ay bixiyeen Sirdoonka Qatar, Waxaa sidaas qoray Saxaafada Talyaaniga, Waxayna Dowlada Qatar ku eedeeyeen in ay gacan saar dhow la leedahay Al-Shabaab.

Dowlada Puntland ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeysay Qatar iney Taageeraan Al-Shabaab, Waliba hay’adaha Sirdoonka Dowlada Federaalka ayaa iyana la sheegay iney ku kulmeen Al-Shabaab tan iyo Markii Hay’adaas loo dhiibay Ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin, Waxaa la cadeeyay iyana in Fahad Yaasiin ay maal galiso Dowlada Qatar.

Sacuudiga iyo Emaaraatka ayaa horey Xiriirka ugu jaray Qatar kadib markii la helay Cadeymo cadeynayaa in Doha ay taageeraan Argagixisada Yemen oo dhowrjeer falal Argagixiso ka fuliyey Agudaha Sacuudiga.

Puntlandi.com Rome, Talyaaniga

<