Wasiirka Ganacsiga Puntland oo kasoo bogsanaya Xanuunka Corona Virus

Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdulaahi Cabdi Xirsi oo uu haleelay Covid19 ayaa hada Xaaladiisa Caafimaad ay soo wanaagsanaanaysaa.

Mudo Todobaad ah oo Xanuunka uu hayay Wasiirka ayaa hada u muuqda inuu kasoo kabanayo.

Wasiirku wuxuu sheegay in Qardho iyo Warrer badan uu hayay in mudo ah laakiin hada soo wanaagsanaanayo, uuna gurigiisa joogo oo uu isku karantiilay si uusan Dadka kale ugu dhowaan.

Wasiirku wuxuu Bulshada ugu baaqay in Qofkii isku Arla Calaamadaha Xanuunkaan uu gurigiisa isku karantiile.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horay u shaaciyey in Xubno ka mida Xukuumadiisa uu Cudurkaan gaaray, balse Madaxweynuhu ma uusan magacaabin.

Puntlandi.com

Garowe

<