Sanator Farataag oo u hanjabay Madaxweyne Farmaajo

Sanatar Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Farayaag oo mar soo noqday Madaxweyne Xigeenka Jubbaland iminkana ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ayaa Waraysi uu maanta siiyey Saxaafada Muqdisho wuxuu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu khatar ku yahay Amaanka Gobolka Gedo.

Farataag wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Gobolka u diray Dad aan Gobolka kasoo jeedin kuwasoo Qas Siyaasadeed iyo mid Amaan xumo ka wada. Gobolka.

Farataag wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Jubbaland kala qaybiyey uuna intii Reerkiisa ahayd dhinac usoocay.

Wuxuu yiri “ Waxaan u sheegayaa Umada Soomaaliyeed in waxa ka socda Gobolka Gedo ay beri ka yihiin Umada Reer Gedo, waxa Qaska ka wada Gobolka waa Dad Gobolk kale ka yimid”

Puntlandi.com

Muqdisho

<