Madaxweyne Deni oo shirgudoomiyey Shir online ah oo uu Beesha Caalamka ugu gudbinayay Qorshaha Qardho

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Wuxuu la hadlay Beesha Caalamka oo uu kala hadlay Qorshaha Mustaqbalka Qardho.

Kulanka oo ku dhacay qaab Vidoe Confrence ah (Online) ayaa waxaa kasoo Qayb galay Inta badan Safiirada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, Waxaa isna ka qayb galay Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Deni oo Shir gudoominayay wuxuu ka warbixiyey Xaalada Magaalada Qardho, Qaabkii loogu gurmatay iyo halka ay hada wax Maraykan.

Madaxweyne Deni ayaa Beesha Caalamka wuxuu hor dhigay Qorshaha Mustaqbalka Magaalada oo ah Qorshe ay Puntland soo dejisay ayna doonayaan in ay Beesha Caalamku ay Maalgaliso.

Safiirada ka hadlay Kulanka ayaa waxay muujiyeen soda ay ugu Faraxsan yihiin qaabkii loogu gurmatay Qardho iyo qaabkii ay Dowlada Puntland u wajahday.

Waxay balan qaadeen iney qayb muuqata ay ka qaadanayaan Dib u dhibka iyo dib u dejinta Dadkii ka barakacay Magaalada .

Puntlandi.com

Qardho

<