Fadeexad : – Danjiraha Dawlada Jabuuti Adan Xasan Adan oo Idaacada VOA uu sheegay in 7 Bilood ka hor Dawlada Federaalka ku wareejiyeen Lacagtii gargaarka Gurmadkii Baladweyne.

Sida aan la wada socona 7 bishan May ayaa Gudigii Gurmadka waxyeeladii Fadahaada Wabiga Shabeele ee Baladweyne ee Sannadkii hore ayaa sheegay in aanay soo gaarin lacag dhan 600.000 Dollarka Mareykanka aha oo Dawlada Jabuuti ugu deeqday Shacbigii Somaaliyeed ee Reer Baladweyne ee Waxyeelada weyni ka soo gaartay Fatahaadii Wabiga Shabeele.

Danjiraha Dawalada Jabuuti u jooga Somaaliya Mudane Ambassador Xasan Aden Xasan ayaa maanta isagoo u waraamaya Idaacada VOA si cad u sheegay in Dawlada Jabuuti ay lacag dhan 600.000 Dollar oo ay ugu talagaleen Gurmadka Baladweyne ay 7 BILOOD ka hor ku wareejiyeen Wasaarada Gargaaarka iyo Masiiboyinka Dawlada Federaalka Somaaliyeed.

Hadalkaa Safiirka Jabuuti ee tilmaamaya lunsashada iyo Xatooyada Gargaarka Umadda ayaa ah mid Argagax iyo Niyad jab cusub ku abuuray guud ahaan shacbiga somaaliyeed iyo gaar ahaan shacbiga Reer Baladweyne ee Gargaarkii Caalamku u fidiyey lagu leexsaday Xafiisyada Xukuumada Federaalka Somaaliyeed.

Dawlada Federaalka ee Somaaliyeed ee u hogaamiyo Mudane Farmaajo ayaa 3 Sanadood ee ugu danbeysay si xiriir ah caalamku ugu tilmaamay Dawlada ugu musuqmaasuq weyn Dawladaha Caalamka.

Hoos ka daawo

Halkan ka dhageyso Wareysigii Safiirka Jabuuti

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<