Ciidamada amaanka oo xabsiga dhigay Maleeshiyaad Gaalkacyo iyo Bosaso

Waxaa Puntland ka socda Howlgal balaaran oo lagu raad joogo Shabakado Argagixasada ka tirsan gudaha Magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo, waxaana ilaa hada xabsiga loo taxaabay dad looga shakisan yahay inay qayb ka yihiin Shabakadaas.

Bosaso waxaa lagu qabtay ku dhowaad 7 Qof tan iyo xalay, waxaana ku socda baaritaan buuxa, halka Gaalkacyo sadexdii maalmood ee lasoo dhafay lagu xiray ku dhowaad 10 Qof.

Dadkaan la qabqabtay waxaa loo badinayaa inay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ee Al-shabaab,, xarigooduna wuxuu daba socdaa Gaaarigii Qaruxu saaraa ee Bosaso lagu qabtay Todobaadkii tagay.

Madaxweyne Deni oo jamcadii bulshada la hadlay ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay mid Qorshaysan oo lagu raad joogo kooxaha Argagixisada.

Puntlandi.com

Bosaso

<