Dhagaysi.. Khilaaf cusub “ Qoorqoor oo noqon waayey Laftagareen oo kale”

Tan iyo markii uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoor uu soo dhisay Xukuumadiisa cusub waxaa soo baxayay guurto Siyaasadeed oo isdiiwan, kuwasoo ka imaanayay ragii gadaal kasoo riixayay Madaxweyne Qoorqoor haba u horeeyaane Raysal wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo.

Villa Soomaaliya waxay ka biya diiday Golaha Wasiirada ee uu Qoorqoor soo magacaabay kuwasoo ay kasoo dhex muuqdeen Masuuliyiintii ugu cadcadaa Mucaaradka Villa Soomaaliya.

Tani waxay dhalisay in Khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalo Villa Soomaaliya iyo Qoorqoor, waxaana Qoorqoor lagusoo kiciyey kooxo ka socda Villa Soomaaliya oo khalkhal Siyaasadeed Abuura, kooxahaas waxaa hogaaminaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacan.

Qoorqoor wuxuu isna sameystay buundo Adag oo uu hogaaminayo Wasiirkiisa Amniga Axmed Macalin Fiqi, oo isagu gacan saar la leh inta ku kacsan Villa Soomaaliya.

Iscasilaadii Taliyaha Booliska Dhuusamareeb iyo eedeyntii uu usoo jeediyey Masuuliyiinta Galmudug waxay qayb ka ahayd ololaha ka imaanaya Villa Soomaaliya.

Wasiir ku Xigeen Hore ee Galmudug Cabdisamad Yusuf Cilmi oo Xalay la hadlay Saxaafadaha Muqdisho ayaa isna u hanjabay Qoorqoor, wuxuuna ku eedeeyey inuu yahay Kaligii Taliye.

Waxaa muuqata in Madaxweyne Qoorqoor uu noqon waayey Laftagareen oo kale ama Nin u saacad ah Villa Soomaaliya, Qoorqoor wuxuu ka leexdey Wadadii Villa Soomaaliya wuxuuna u muuqdaa Nin qaadey wadadii Puntland iyo Jubbaland oo uu doonayo inuu la tartamo Garowe iyo Kismaayo.

Hoos ka dhagayso Wasiir Xigeenkii hore Wasarada Gaadiidka Galmudug oo U hanjabaya Qoorqoor

<