Jaaliyada Denmark oo noqotay Jaaliyada lacagta ugu badan ugu deeqda Qardho, 78,990 $

Jaaliyada Soomaaliyeed Dalka Denmark ayaa soo ururisay aduun gaaraya 41,739 Doolar oo ay uga qayb qaadanayaan taakulaynta Qardho.

Lacagtaan ayaa mudo gaaban lagu ururiyay, waxaana hormuud u ahaa Gudiga Jaaliyada Puntland, waxayna lacagtaka timid magaalooyinka..

Copenhegan 19,255 USD

Aarhus/Aalborg 30,052 USD

JJaaliyada Soomaaliyeed ee Aarhus 9506 USD

Jaaliyada Odense 1500USD

Dhalinyarada Denmark 3000 USD
Jaaliyada Soomaaliyeed Viborg 2180

total 78,990 USD (Todobaatan iyo Sideen kun,sagaal boqol iyo sagaashan -doolar)

Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Waqooyiga Denmark Abshir Sheikhdoon ayaa u Mahad celiyay Guud ahaan Umada Soomaaliyeed ee ku deeqay lacagtaan, wuxuuna sheegey in Lacagta intii badnayd lagu hagaajiyay Gudiga gurmadka Qardho,, inta dhimana ay maalmaha soo socda Ddirayaan.

Gudoomiye Sheikhdoon wuxuu ugu baaqay Jaaliyadaha kale ee ku nool Aduunka inay kaalintooda qaataan, ayna si deg dega uga jawaabaan baaqa Gurmadka Qardho.

Puntlandi.com
Denmark

<