Taliyihii Booliska Dhuusamareeb oo iscasilay kadib markii Xabsiga dhowr jeer laga siidaaysy Maleeshiyaad Al-Shabaab ah

Burhaan Axmed Rooble oo ahaa Taliyaha Booliska Dhuusamareeb ayaa Caawa iska Casilay Xilkii hayay, isagoo sheegay inuu Shaqadiisa ka wadiwaayay Dad uusan magacaabin.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Dhowr jeer oo kala duwan uu soo xiray Dad looga shakisan yahay inay Al-Shabaab yihiin, Qaarkoodna ayba Al-Shabaab ahaayeen laakiin nasiib daro Dadkaas Xabsiga lagasoo daayay, iyadoo waliba Cadeymahaan haynay nala ka qaadey.

Taliyuhu wuxuu kaloo sheegay in Raga ay soo xireen qaarkood ay joogaan Cadaado. Oo intii Xabsiga laga sii daayay loo dhoofiyey Cadaado.

Bishii hore ayay ahayd markay Ehlu Suna ay Dowlada Federaalka ah ku eedeeyeen iney Gobolka kusoo ururinayaan Al-Shabaab.

Puntlandi.com

Gaalkacyo

<