Diyaarad Malatari oo Emaaraatku leeyahay ayaa Deeq keentay Puntland

Dowlada Emaaraatka Carabta ayaa markii labaad Puntland soo gaarsiisay Shixnada Qalab Caafimaad ah oo ay ku jiraan Shaybaaro casriya oo lagu baaro cudurada faafa.

Dowlada Puntland oo gudoonshay Shixnadaan ka timid Walaalohooda Emaraatka ayaa ka mahadceliyey Deeqda iyo kaalmada muuqata ee Emaaraatku siiyaan Soomaaliya.

Qalsbkaan oo ay waday Diyaarad Malatari ayaa wuxuu u badnaa Daawooyin, Qalab Caafimaad, Raashin iyo Qalab deegaan oo loogu talagalay Dadkii ku waxyeeloobay Fatahaadii Qardho.

Dowlada Emaaraatka ayaa ah Wadanka qura ee Wadamada Carbeed oo si muuqda u caawiya Soomaaliya, Gaar ahaan Puntland iyo Soomaaliland.

Bishii hore

<