Axmed Macalin Fiqi oo difaacay ragii xabsiga Dhuusamareeb laga fakiyey, Taliyihii iscasilayna eedeeyay

Ex Xildhibaan iminkana ah Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa difaacay rag ay boolisku ku eedeeyeen iney Al-shabaab yihiin oo Xabsiga lagasii daayey.

Wasiirka ayaa dhanka kale wuxuu eedeeyay Taliyihii Booliska Dhuusa Mareeb ee Xalay isu Casilay arimo la xiriira rag Al-shabaab ah oo xabsiga laga siidaayey, waa sida uu Taliyuhu sheegaye.

Taliyhii Bileyska Dhuusamareeb Burhaan Axmed ayaa xalay oo jamce ahayd iscasiley isagoo iscasilaadiisa sabab ugu dhigay in Rag Masuuliyiin ah ay xabsigiisa kasii daayeen Rag ku eedeysnaa Al-shabab oo qaarkood cadeymo rasmi ah lagu hayay,

Hadalka maanta kasoo yeeray Wasiirka Amniga Galmudug Mudane Fiqi wuxuu cadeynayaa in Fiqi uu kamid yahay raga uu Taliyuhu eedeyey.

hoos ka akhriso Qoraal uu Fiqi soo dhigay Bartiisa Facebook-ga

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi “Lama arag askari ama sarkaal inkirsan maamulkii uu la shaqaynayey una yaqaan kuwo Alshabaab la shaqeeya, kaasoo isku ah; askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukun rida..

Sarkaalka ama askariga inta aan shaqo loo dirin ka hor waa In la soo baraa shuruucda ciidanka. Sharcigana looma qaloocin karo dhanka waxa aad aaminsanayd inta aadan askari noqon oo ah dadka kaa aragtida duwan oo dhan in aad ku dhejiso shaabad seeko ah oo alshabaabnimo.

Ma dhacayso in ciidamanimada ama derajooyinka ciidanka loo adeegsado In lagu fushado dano ka baxsan kuwii la isku igmaday!”

<