Amisom “ Diyaaradii ku burburtay Bardaale waxaa soo riday Ciidamada Itoobiya

Diyaaradii kusoo dhacday Bardaale ayaa Baaritaan ay sameeyeen Taliska Ciidanka Amisom waxay sheegeen in Diyaarada lasoo ridey.

Warbixin ay Amisom soo saareen ayay ku sheegeen in Diyaaradu ay ku duulaysay meel hoose isla markaasna ay kusoo dhawaatay Xerada Ciidamada Amisom ee Bardaale, tasoo keentay in laga shakiyo.

Ciidamada Itoobiya waxay ka shakiyeen qaabka ay Diyaaradu u duulaysay oo aad dhulka ugu dhowaa, waxayna ka shakiyeen iney doonaysay iney isku qarxiso Xerada Ciidanka.

Waxaa kaloo Warbixinta lagu sheegay in Xiriir ay Ciidanku la sameeyeen Diyaarada ay jawaabi wayday, tasoo shakiga sii badisay.

Waxaa iyana Warbixinta lagu xusay in Diyaaradu ay ahayd inay dhinaca Bari ka timaado marka ay degayso balse waxay ka timid dhinaca Galbeed, mana aysan isu diyaarin iney degto waayo taayiradu uma baxsanayn, sidaas awgeed Ciidanku waxay u qaateen iney Diyaaradu isku miidaaminayso Xerada Ciidanka sidaas awgeed Way toogteen ilaa ay ka burburtay.

Diyaarada waxaa lasoo riday Talaadada, Sadex Kenyan ah iyo laba Soomaali ah ayaa ku dhintay, waxaana Diyaarada lahaa Shirkad Kenyan ah waxay kasoo. Duushay Baydhabo waxayna Agab Caafimaad u siday Bardaale, waana markii u horaysay oo falnoocaan oo kale ah uu ka dhaco Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warbixinta Amisom

Puntlandi.com

Nairobi

<