Raysal wasaare Abiy Ahmed oo u hanjabay Mucaaradka

Adis ababa 08/05/2020–Pi– kadib markii Mucaraadka Itoobiya ay badankoodu kasoo horjeeste qorshe ay Xukuumadu doonayso inay Doorashada Dib ugu dhigaan ayaa Raysal wasaaraha Dlkaas abiy Ahmed wuxuu baaqa Mucaaradka uga jawaabay si adag.

Hadal adag oo shalay jeediyey wuxuu sheegey inuusan sinaba ugu dulqaadanayn in Dalka lagaliyo khalkhal xili uu Dalku la daalaa dhacayo sidii bulshada looga badbaadin lahaa Xanuunka Corona Virus,

Hadalka kasoo yeeray Raysal ayaa u muuqda hadalo la isla dhexmarayay oo sheegayay in uu dooonayo inuu awood malatari isticmaali hadii ay Mucaaradku díidaan in Doorashada dib loo dhigo.

Doorashada itoobiya waxay dhacaysaa oktoobar sanadkaan in kastoo Xukuumadu ay Dalbatay in dib loo dhigo, Baarlamaankuna wuu ku raacay laakiin waxaa si adag ugasoo horjeestay Mucaaradka.

Puntlandi.com
Adis ababa

<