Beesha Caalamka oo ay ka go’antahay in Sanadkaan Doorasho ka dhacdo Soomaaliya

Beesha Caalamku waxay waxay u muuqataa ineysan sinaba u aqbalayn in Doorashada Soomaaliya wakhtigeeda la dhaafoyo, waxayna qorshaynayaan in Doorashada Baarlamaanku ay bilaabato Decembar Sanadkaan 2020.

Safiirka Maraykanka ayaa shir Jaraa”id oo qabtay waxuu kusoo hadal qaadey Doorashada wuxuuna sheegay in Ugu yaraan 4 Milyan oo Doolar ay ku caawinayaan Doorashada Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa iyana horay hoosta uga xariiqay in Doorashada Basrlamaanka iyo Tan Madaxweynuhuba ay Wakhtigooda ku dhacayasn.

Waxayna hadalkaan ku sheegeen Kulamo goosgooska ahaa ee Beesha Caalamku ay la yeesheen Hogaamiyayaasga Saamilayda Siyaasada Soomaaliya.

Dowlada Federaalka ayaa dhankooda waxaa laga sugayaa Qorshe loo mideysan yahay oo loo raaco Doorashada ugu dambeynta bisha Ogoosto.

Doorashada Baarlamaanka Soomaaliya waxay bilaabanaysaa Bisha Decembar , Ololaha Doorashada Madaxweynahana waxay bilaabaneysaa bisha Janaayo, Waxaana Madaxweynaha la dooranayaa Todobaadka u horeeya Feberaayo 7/2,2021.

Puntlandi.com

Garowe

<