Aas Qaran oo loo samayn doono Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland

Waxaa Kismaayo ka socda qabanqaabada aas Qaran oo halkaas loogu samaynayo Alla ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Maxamuud oo ku geeriyooday Dalka Hindiya.

Meydka Marxuumka ayaa sida la qorshaynayo waxaa maanta la keenayaa Magaalada Adis ababa,Waxayna Dowlada Jubbaland wadaa qorshe ay Adis ababa ugu dirayso Diyaarad khaasa oo halkaas ka soo qaada Meydka Marxuumka, Waxaana la qorshaynayaa in sabtida oo beri ah laga keeno Kismaayo halkasoo ay aaskiisa ka qayb gali doonaan Madaxda ugu sareysa Jubbland, Labada Gole iyo Shacabkaba.

Madaxweyne Axmwd Madoobe ayaa shalay wuxuu magacaabay Gudi qabanqaabiya aaska Wasiirka.

Wasiirka Waxbarashada Jubbaland Marxuum Macalin Maxamed wuxuu habeyn hore ku geeriyooday Dalka India oo uu xaalado caafimaad u joogay.

Puntlani.com
Kismaayo

<