Cudurka Corona Virus oo Puntland kusii fididaya, Wasiir laga helay Covid19

Bandowgii lagusoobrogay Magaalooyinka waaweyn wuu hirgalay laakiin Bandowgii ma gaarsiisan Degmooyinka iyo Tuulooyinka Wadanka, waxaa sidaas cadeeyay Warbixin soo socota oo Warbaahinta Puntlandi.con ay soo bandhigayaan Jamcada.

Warar waxaa jira sheegaya in Wasiirka Deegaanka Puntland Ismaaciil Gamadiid uu haleelay Cudurkaan, laakiin Wasaarada Caafimaadka ma aysan cadeyn warka Wasiirka ku saabsan.

Waxaase la cadeeyay in tirada Dadka uu haleelay Cudurkaan ay hada kornu dhaafayaan 22 Qof.

Madaxda Dalka ayaa hada la amray inay yareeyaan Booqashada loogubimaanayo, Waxaa kaloo Amar lagu siiyay iney Guryaha joogaan oo halkaas shaqadooda ka wadaan inta Awooda.

Puntlandi.com Garowe

<