Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo iscasilay

Gaashaanle Sare Barkhad Cabdullaahi oo ahaa Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxda ugu sareysa Puntland ayaa Xilkii iska casilay.

Qoraal kooban oo Taliyihu uu ku muujiyey iscasilaadiisa ayuu kusoo koobay oo qura inuu iscasilay , laakiin ma uusan muujin sababta uu isu casilay.

Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen Dad aad uga agdhow Taliyaha waxay sheegeen in Taliyuhu uu isu casilay sababo la xiraara Shaqadiisa oo lagusoo faragaliyey.

Warar waxaa jira iyana sheegaya inuu iscasilay mid kamida Agaasimayaasha Madaxtooyada, Agaasimahaan iyo Taliyaha ayaa la sheegay inay isku sabab isucasileen.

Madaxtooyada Puntland oo aan isku daynay inaan waxka waydiino Wararkaan, nooma aysan suuragalin inaan jawaab ka helno xiligaan.

Puntlandi.com Garowe

<