Itoobiya oo Soomaaliya kala baxaysa Ciidankeeda aan Amisom ka tirsanayn, kadib Heshiis ay ka baxday Qarsoonaa oo ay ka baxday Dowlada Federaalku

Warar lagasoo xigtay Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay balan qaadey inay bixinayso Dhaqaalaha ku baxaya Ciidan ka kooban KUN Askari oo Itoobiyaan ah kuwasoo la qorshaynayayninay ka howlgalaan Koonfurta Soomaaliya, laakiin ilaa hada aan la bixin lacagtaas.

Sidaas awgeed Itoobiya waxay dib ula noqonaysaa Ciidamadeedada aan ka tirsanayn Howlgalka AMISOM, Ciidamadaan Aan Amisom ka tirsanayn waxay badankoodu ku sugan yihiin Gobolada Gedo, Galgaduud iyo Bay.

Ciidamadaan Itoobiya waxay dib ugu laabanayaan Xuduuda, Maadaama Dowlada Soomaaliya aysan wali bixin Dhaqaalihii lagu heshiiyey, ayuu yiri Sargaalka Itoobiyaanka ah.

Heshiis hoose oo dhex maray Villa Soomaaliya iyo Adis Ababa ayaa wuxuu ahaa in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay bixiyo Kharashka Ku dhowaad 1000 Askari oo Itoobiyaan ah oo qalabkooda wata, Isla markaasna ay Dowlada Federaalku u adeegsan doonto Ciidamadaan Howlgalo gaara.

Dhowaan ayay ahayd markii ay Gudaha Soomaaliya usoo galeen Ciidan Itoobiyaan ah oo Qalabaysan kusoo ku wajahnaa Gobolka Gedo, Laakiin hakad ayaa lagaliyey oo waxay wali degan yihiin meel aan ka fogayn Doolow.

Howlgalo dhowra oo ka baxsashadiisa Howlgalada loogu talagalay Amisom ayay Ciidamada Itoobiya ay ka qayb qaateen Labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaa kamid ahaa Howlgalkii Xukunka looga Eryey Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Caburintii Ehlu Suna ee Magaalada Dhuusamareeb iyo Dagaalkii bishii hore ka dhacay Gobolka Gedo, waxayna Tani muujinaysaa in ay wax ka jiraan wararka uu Sargaalku sheegey ee kunsaabsan in Dowlada Federaalku ay soo kiraysatay KUN Askari oo Itoobiyaan ah.

Laakiin Lama oga sababta ay Villa Soomaaliya u bixin wayday lacagtaas ay Itooboya kula heshiisay iyo qaabka ay u bixin lahaydba.

Dowlad Goboleedyadu kama aysan hadal Heshiiskaan qarsoon ee ay wada galeen Villa Soomaaliya iyo Adis Ababa

Puntlandi.com Adis Ababa

<