Faahfaahintii u Dambaysay Diyaaradii ku soo dhacday Bardaale oo Gobolka Bay ka tirsan

Baydhabo- 4/5/2029–Pi— Diyaarada oo Xamuul sidey waxay ka duushay Magaalada Baydhabo waxay ku socotay Magaalada Bardaale, waxaa saraa 6 Qof, waxay siday Shixnada U badan Daawo loo waday Isbitaal ku yaal Bardaale.

Xili Diyaaradu ay 4 KM u Jirto Garoonka Diyaaradaha Bardaale ayaa Diyaaradu Qaraxday, Waxaana ku dhacay Xabad laga ridey Dhulka oo ka dhacdey Qoriga litka Diyaaradaha ee loo Yaqaan Zuu.

Qaraxa Diyaarada kadib ayaa Warbaahinta Puntlandi.com oo la xiriirtay Dad ku sugan Bardaale waxay Xaqiijiyeen in Diyaarada Dhulka laga toogtay, wararkaas wuu iskasoo taraya oo waxaa aad looga shakisan yahay in Ciidamada Itoobiya ay toogteen Diyaarada.

Warar Dublamaasiyadeed ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey in Ciidamada Itoobiya ay Iska difaaceen eedeyntaas.

Dhamaan Dadkii Diyaarada saaraa waa ku geeriyoodeen waxayna kala ahaayeen

1- Injineerka Diyaarada oo Kenyan ahaa,

2-Duuliye Mubruuk,

3-Duuliyiha labaad Cumar,

4 iyo 5 – laba Qof oo rayid ah oo kala ahaa Cali Madaxamed Gaduud iyo Saciid Cabdullaahi Maxamed.

6- wararku waxay sheegayaan in Qof lixaad uu Diyaarada saaraa

Puntlandi.com Garowe

<