Faahfaahin— Diyaarada Waxaa Soo ridey Ciidanka Itoobiya

Diyaarad ay leedahay Shirkada Diyaaradaha Afrikan Express ayaa maanta ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Bardaale ee Gobolka Bay.

Warar lagasoo Xigtey Shacbiga ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha waxay sheegeen in Diyaarada ay soo rideen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Garoonka Diyaaradah kadib markii ay Diyaaradu ka dhaga adeygtay Amar lasiiyey, Warkaan ma cada balse Dad goobjoogayaal ah ayaa lagasoo xigtay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha waxaa jira warar sheegaya in 4 Qof ku dhinteen shilka.

Wararku waxay kaloo sheegayaan in Dad Rakaab ah oo gaaraya 7 Qof ay saaraayeen Diyaarada, gabi ahaanna ay geeriyoodeen, warar kale ayaa sheegaya in Dad Rakaab ah ay saaraayeen Diyaarada oo aan tiradooda la xaqiijin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Diyaaradu ay waday Agab Caafimaad .

Ciidamada Itoobiya ayaa gabi ahaan isku gadaamay goobta Shirku ka dhacay, Wayna adagtahay in warbrasmi ah laga helo.

Puntlandi.com

Muqdisho

<