Deeqda Turkigu keenay waa in Xaqloo qaybiyaa,Hadii kale Muqdisho Kaliya Soomaaliya ahaan mayso

Mashaariic, kaalmooyin kale iyo Cash ayaa maalin walba Turkigu kusoo Daad gureeya Muqdisho, iyadoo Dowlada Turkigu ay hadal dheer ku sheegayo inay Soomaaliya Cawimo ka dharjiyeen, laakiin Xaqiiqda dhabta ah sidaas ma ahan.

Taakulada uu Turkigu Soomaaliya u fidiyo Masoo dhaafto Muqdisho , wax ka yar 10% ayaa Muqdisho banaanka uga baxada, taasna waxaa u sabab ah oo Masuuliyad ugu wayn saaran tahay Madaxda Maamul Goboleedyada oo u muuqda kuwo aan Cadkooda soo dhacasan karin.

Puntland iyo Soomaaliland matalan hogaamiyayaashoodu waxay maalin walba indhihiida ku arkaan oo ay dhagahooda ku maqlaan Diyaaradaha kasoo qulqulaya Turkiga ee Deeqda u sida Soomaaliya kuwasoo isaga daba dagaya Muqdisho, hal shilin iyo hal shay kama soo gaaro labadaas Shacbi sababtuna waa ha arin, Arintaasoo ah Hogaamiyayaashooda Ayaan awoodin inay Shacabkooda usoo dhiciyaan Cadkooda, gæhqday Turkiga ugasoo dhicin lahaayeen iyo Haday Muqdisho ku qabsan lahaayeen,Ugu yaraan Way Garab waayeen KU QABSO KU QADI MAYSIDE.

Waxaa taas kasii daran Maalaayiinta Dollar ee lagu maalgalinayo Ciidamada loogu yeeri Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, taasna waad ka Qatan tihiin,.

Tan iyo Doraad waxaa Muqdisho kusoo qulqulaya Deeq ay Turkigu siiyeen Soomaaliya, Waxaana hubaal ah in Diyaaradii u horaysay lagu qaybsadey Muqdisho, kuwa kalena lamid,

Dalku goormuu Muqdisho oo qura noqdey?

Walaaleheena Rasmiga ah ee Soomaaliya garabtaagan waa Emaaraatka Carabta., waayo wuxuu gartay wax ay Garan waayeen Turkiga oo sheegta inuu Dalka kaliya ee Soomaaliya u hagar baxay .

Emaraatku wuxuu yiri Waraabe hilbo uma saarayo Shacbiga Soomaaliyeed, ee mid walba gurigiisaan ugu geynayaa, waad ogeydeen Hargeysuu ka dajiyey, Bosaso ayuu ka dajiyey , Muqdisho ayuu ka dajiyey, hadana Kismaayo ayuu ka dajinayaa Todobaadyada soo socda, kuwasaa Walaalaa rasmiga ah ee Soomaaliya ah. faaladayada Dambe Ayaan ku falanqaynaynaa Xiriirka Emaraatka iyo Soomaaliya.

Waxaan kusoo gabagabaynaynaa Hadaydaan Shacabka Xaqooda usoo dhicin Karin, DUF KU BAXA.

Puntlandi.com

Garowe

<