WasaaradacCaafimaadka Puntland oo Qardho ka buufinaysa Cudurkaas ka dilaaca Biyaha wasakhda ah

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo kaashanayaan Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO ayaa howlgal xoogan Waxay ka bilowdey Goobaha Biyuhu wali fadhiyaan Magaalada Qardho.

Daadkii kusoo rogmaday Magaalada oo Biyo badan uga tagay Wadooyinka iyo Guryaha dhexdooda ayaa laga Cabsi qabaa iney ka dilaacaan Cudurada Faafa sida Duumada, sidaas awgeed ayaa Wasaarada Caafimaadka Puntland waxay bilaabeen iney Daawo Qaac ah ay Magaalada ku buufiyaan.

Wasaaradu waxay kaloo Shacabka u keeneen in ka Badan Toban kun oo Sinsiyeeri( Agabka Kaneecada looga gabado).

Shaqaale tababaray oo ka socda Wasaarada ayaa howshaan fulinaya.

Waxaa iyana dhowaan la bilaabayaa in Caruurta laga talaalo Cudurada khatarta ah sida Malaariyada.

Sawirada Hoos ka Daawo

Puntlandi.com

Qardho

<