
Xafiiska Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa Gargaar Caafimaad gaarsiiyey Jubbaland, Gargaarkaan ayaa wuxuu ka kooban yahay Aalkolada la isaga ilaaliyo Virus-ka, Afxirka iyo Qalabka lagu baaro Corona Virus-ka.
Madaxa Midowga Yurub u jooga Soomaaliya Ambassodor Nicolas Berlanga ayaa wuxuu sheegay in Gargaarkaan uu qayb ka yahay Gargaar cifimaad oo ay ugu tala galeen Jubbaland.
Waa markii u horaysay oo ay Jubbaland hesho Gargaar looga hortagayo Cudurka Corona Virus.
