Madaxweyne Deni oo socod ku maray Goobaha lagu gargaarayo Qoysaskii ku waxyeeloobay Qardho

Qardho-3/5/2020-Pi- Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wali Qardho ku sugan ayaa maanta wuxuu socod ku maray Goobaha lagu caawinayo Qoysaskii uu khasaaraha u geystay Dadkii kusoo rogmaday Magaalada 28 April.

Socdaalkaan lugta ah ee Mdaxweynuhu kukala bixiyey Qardho ayaa ahaa u kuur galida qaabka Gargaarka u docdo iyo dhiiri galin loo sameynayay Hay’adaha iyo Shacabka fidinayo gargaarka.

Madaxweyne Deni oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan labdiisa Gole iyo Maamulka Gobolka Karkaar ayaa shacabka uga tacsiyeeyey khasaaraha gaaray wuxuuna u sheegay in Shacab iyo Xukuumadba ay Garab taagan yihiin.

Kumayaal Qoys oo k barakacay deegeenkoodii ayaa afartii maalmood ee lasoo dhaafay lagu quudinayay Duleedka Magaalada.

Puntlandi.com Qardho

<